Boqortooyada Sacuudiga oo guul-darro weyn kala kulantay codeyn ka dhacday QM

0
403

Boqortooyada Sacuudiga oo guul-darro weyn kala kulantay codeyn ka dhacday QM

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku guul dareesatay in ay kamid noqoto Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay kadib codeyn loo qaaday, waxa ayna talaabadan niyad jabisay Boqortooyada Sacuudiga.

Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay oo ka kooban 47-wadan ayaa sanadkan waxaa kamid noqday qaar kamid ah wadamada caalamka ee lagu eedeeyo in ay ku tuntaan xaquuqda aadanaha ay ku jiraan Shiinaha iyo Ruushka.

 

Doorashada lagu soo xulay xubnaha cusub ee Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee QM oo aheyd mid qarsoodi ah, ayaa wadamada kusoo baxay waxa ay kamid ahaan doonaan Golahan mudo sadex sano ah oo ku eg sanadka 2024-ka.

Sacuudiga oo kamid ah Wadamada dhaqaalaa xoogan ku bixiya Qaramada Midoobay ayaa sababaha ugu guul dareesteen kamid noqoshada golahan lagu sheegay ku lug lahaanshaha colaada ka aloosan dalka Yemen iyo dilkii Wariye Jamal Khashogi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here