Maxkamad Dembi Ku Heshay Labo Eedeysane Oo Lo Haysto Weerarkii Westgate

0
381

Maxkamad Dembi Ku Heshay Labo Eedeysane Oo Lo Haysto Weerarkii Westgate

Maxkamad ku taala Kenya ayaa maanta la soo taagay saddex eedeysane oo lala xiriirinayo weerarkii xarunta Westgate.

Garsooraha Maxkamadda Nairobi Francis Andayi ayaa tilmaamay in danbi lagu helay labo eedeysane oo lagu kala magacaabo Maxamed Axmed iyo Xuseen Xasan Mustaf oo qeyb ka ahaa abaabulka weerarkii maleeshiyada Al-Shabaab ku qaaday xarunta Westgate magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana eedeysanaha saddexaad oo lagu magacaabo Liibaan Cumar lagu waayay kiiska la xiriiray weerarka xarunta Westgate.

Weerarka xarunta Westgate oo dhacay sanadki 2013 ayaa waxaa ku dhintay inta la ogyahay 67 qof.

Labada eedeysane ayaa xukunkooda Maxkamadda waxaa lagu dhawaaqi doonaa 22-ka bishan October.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here