Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Kulan La Qaatay Safiirada Dalalka Nordic

0
386

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Kulan La Qaatay Safiirada Dalalka Nordic

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay safiirrada dalalka Nordic u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo safiirrada dalalka Nordic ayaa ka wada hadlay Arrimo kala duwan oo kamid yihiin Arrimaha amniga, Doorashooyinka dalka ka dhacaya dhamaanka sanadkaan iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Sidoo kale inata uu socday kulanka ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday arrimaha Dowlad-wanaagga, Cadaaladda iyo nabad dhisidda Soomaaliya, waxaana kulankaas ka qeyb galay Sii-hayaha Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa safiirrada dalalka Nordic uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka ee ku aadan dhinacyo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here