Faahfaahin ka soo baxaysa weerar ay ka fuliyeen Al-Shabaab gudaha Kenya

0
427

Faahfaahin ka soo baxaysa weerar ay ka fuliyeen Al-Shabaab gudaha Kenya

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa weeraro ka geystey gudaha dalka Kenya iyagoo weeraradaana ka fuliyay deegaano ku yaal Waqooyi Bari dalka Kenya.

Mid ka mid ah weerarada ayaa lagu qaaday gaari bas ah oo ku sii jeeday magaalada Nairobi.

Baskan oo ka tegey magaalada Mandhera ayaa rasaas ay ku fureen dabley hubeysan waxaa ku dhaawacmay siddeed ruux iyadoo aysan jirin dad ku dhintey weerarka.

Dhinaca kale dagaalamayaal la rumeysan yahay inay daacad u yihiin ururka Alshabaab ayaa weeraray Saldhig ay ciidamada Booliska ku lahaayeen deegaanka 50-ka ee hoostaga degmada Qorof Xaraar ee magaalada Wajeer.

Warbaahinta taageerta Alshabaab ayaa sheegay in ay khasaaro ku gaarsiiyeen Ciidamada booliska Kenya,hase yeeshee ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here