Ra’iisul Wasaare Hore Kheyre Oo Safar Uga Ambabaxay Muqdisho

0
345

Ra’iisul Wasaare Hore Kheyre Oo Safar Uga Ambabaxay Muqdisho

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Goordhow safarkiisii ugu horreeyay uga ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho tan iyo markii kalsoonida kala nodeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan yahay ayaa sheegay in Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku wajahan yihiin dalka Jabuuti, iyagoo halkaas tegaya saacadaha soo socda, sida uu qoshahu yahay.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Kheyre ayaa kulan la qaadan doona Madaxda ugu sarreysa ee dalka Jabuuti, isagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan oo weli xog laga helin.

Xasan Cali Kheyre ayaa horaantii bishii lasoo dhaafay ee September shaaciyay inuu yahay musharax u taagan qabashada dalka madaxtinimada dalka Soomaaliya, waxaana intaas kadib uu bilaabay Ololihii Doorashada.

Tan iyo markii xilka qaadista lagu sameeyay Kheyre ayaa waxaa uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho, isla markaana waxaa uu kulan la qaatay Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sh Cismaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here