Ruushka Oo Si Deg Deg Ah U Dhexdhexaadin Doono Labada Dal Ee Azerbaijan Iyo Armenia

0
404

Ruushka Oo Si Deg Deg Ah U Dhexdhexaadin Doono Labada Dal Ee Azerbaijan Iyo Armenia

Ruushka ayaa ku baaqay marti galinta wadahadallo ku saabsan joojinta dagaalka u dhexeeya Azerbaijan iyo ciidamada Armenia ee gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh.

Wasiirka arrimaha dibedda Sergei Lavrov ayaa u soo bandhigay dalabkan baaq ee uu u dirayey labadan dowladood, sida ay baahiyeen – isaga oo dhanka kalena intaa ku daray in uu ku booriyay in la joojiyo “wax kasta oo xaaladda sii xumayn kara”

In ka badan 100 dhimasho ayaa la soo sheegay tan iyo Axadii, taas oo ka dhigaysa dagaalkii ugu cuslaa ee sanado ka dhaca Nagorno-Karabakh.

Armenia iyo Azerbaijan – waa laba dal oo horey u ahaa jamhuuriyadihii Midowgii Soofiyeeti – waxayna dagaallo ku dhex mareen sannadihii 1988-1994 gobolkaas. Waxaana sii kordheysay cabsida laga qabay in quwadaha caalamka ay u horseedaan khilaaf daba dheeraada.

Ruushka ayaa se qeyb ka ah isbaheysi militari oo ay la leeyihiin Armenia, waxaana uu dalkaasi ku leeyahay saldhig milatari. Si kastaba ha noqotee, waxay sidoo kale xiriir dhow la leeyihiin dowladda Azerbaijan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here