Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble Iyo Safiirka Mareykanka Oo Heshiis Is-Afgarad Ah Gaadhay

0
397

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble Iyo Safiirka Mareykanka Oo Heshiis Is-Afgarad Ah Gaadhay

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa kulan gaar ah Magaalada Muqdisho kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in Donald Yamamoto uu Ra’iisul Wasaare Rooble ugu hambalyeeyay xilka Cusub iyo kalsoonidii ay siiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka 23-kii bishaan September.

Sidoo kale Qoraalka Safaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in Safiir Donald Yamamoto iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ay heshiis ku gaareen in heshiiskii dhawaan Madaxda dowladda, kuwa maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ka gaareen Arrimaha doorashada ee 2020/2021 lagu fuliyo waqtigiisa, isla markaana dib u dhac uusan ku imaan.

Waxaa kaloo Safiirka iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ay ka wada hadleen muhiimada ay leedahay in lasii wado dib u habeynta Arrimaha dhaqaalaha dalka iyo amniga.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto iyo sii hayaha wasiiirka Maaliyada Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa shalay kala saxiixday heshiis labo geesood kaas oo lagu dhimayo dibna loogu qaabeynayo deyn Soomaaliya ay ku leeyihiin sadax hey’adood oo Dowladda Mareykanka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here