Mareykanka: Garsoore hor istaagay xayiraadda lagu soo rogay TikTok

0
393

Mareykanka: Garsoore hor istaagay xayiraadda lagu soo rogay TikTok

Garsoore Carl Nichols ayaa amar ku bixiyey in si ku meel gaar ah loo joojiyo xayiraadda la saaray in la soo dejisto App-ka TikTok ee laga leeyahay dalka Shiinaha
App-ka TikTok ayaa xayiraad lagaga soo rogay dhanka Apple App Store iyo Google Play si aan loo soo dejisan.
Balse dadki xayiraadda ka hor soo dejistay oo horay u isticmaali jiray App-ka TikTok ayaa la sheegay iney saameyneyn.
Balse qofka Mareykanka ku sugan haddii App-ka TikTok uu damco inuu cusbooneysiisto ama uu markale soo dejisto uma suuragaleyso maadaamaa la manuucay.
Garsoore Carl Nicholas oo ka tirsan maxkamadda degmada Columbia ayaa Axaddi shalay ahayd soo saaray amar ku meel gaar ah uu ku hor istaagayo manuucidda maamulka Trump uu saaray TikTok.
Wuxuuna garsooraha sheegay amarkaasi inuu u soo saaray si uu xuquuqdiisa iyo xuquuqda dadka kale ay leeyihiinba u ugu difaaco.

TikTok ayaa dhankiisa ku doodaya cadaadiska iyo xayiraadda lagu hayo iney dadka App-ka isticmaala ay soo dejisan u ka hor imanayo qodobbada 1-aad iyo 5-aad ee dastuurka Mareykanka ee dib loo habeeyey.
Garyaqaanno dowladda Mareykanka u dooda ayaa xayiraadda App-ka TikTok ku tilmaamay mid looga hortagayo App-ka maadaamaa uu u adeego Xisbiga Shuuciga ee dalka Shiinaha (CCP).
Amarka garsooraha u bixiyey ayaa ku soo beegmaya usbuuc kaddib marki App-ka kale ee Shiinaha laga leeyahay WeChat xayiraad la mid ah lagu soo rogay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here