“Soomaaliya Lama Kala Gooynayo Cid Aqoonsaneysa Gobal Ka Tirsan Soomaaliyana Ma jirto” Madaxwayne Farmaajo

0
368

“Soomaaliya Lama Kala Gooynayo Cid Aqoonsaneysa Gobal Ka Tirsan Soomaaliyana Ma jirto” Madaxwayne Farmaajo

Madaxwayne Farmaajo oo dadka su’aalaha waydiinayay ay su’aalahoodu u badanaayeen arrimaha siyaasadda iyo arrimaha doorashooyinka ayaa sidoo kale waxaa wax laga waydiiyay halka ay ku dambeeyeen wadahadaladii dowladda fedaraalka ah iyo Soomaaliland waxaana uu qiray in dhinacayada dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland ay ka gaabiyeen sii wadida wadahadalladaas iyo sidii ay maro dhal u noqon lahaayeen.

Waxaa uu sheegay in dhankooda ay galeen arrimo doorasho iyo jahawaree siyaasadeed sidaas darteena ay arimahaasi keenen in wadahadalladaas ay baaqdaan,waxaana uu carabka ku adkeeyay in markii horaba uu isagu arrintaan xooga saaray oo uu rabay in la wadahadallo lagana shaqeeyo wax u dan ah shacabka labada dhinac.

“Annaga miyaa ka mas’uul ah in la baajiyo kulamadii aan u balanay,waxaan oran karaa labada dhinc-ba annaga qaybteena waa qirayaa waan ka gaabinay sababtoo ah waxaan galnay doorasho iyo buuq siyaasadeed yaan galnay kalaan galnay marka taas ayaa sabab u ah”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaar ka mid ah su’aalihii la waydiiyay ka gaabsaday halka su’aal ku saabsaneed doorashooyinka iyo gobollada Sool iyo Sanaag oo ay wadiisay gabar ka mid ahed dadkii ka qayb galayay barnaamijka ayaa madaxweynuhu waxaa uu sheegay in su’aashaasi ay tahay mid adag isla markaana aanu ka jawaabi karin

“Su’aasha Rowda ay hadashay Sool iyo Sanaag iyo doorashooyinkooda Rowdo Su’aashaadu waa adagtahay kama jawaabi karo raali iga ahow”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here