Saddex boqol askari uu Turkiga soo tababaray oo dalka dib ugu soo laabtay

0
416

Saddex boqol askari uu Turkiga soo tababaray oo dalka dib ugu soo laabtay

Sii-hayaha wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya,Taliya ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga ayaa Ku dhawaad 300 (Saddex boqol) oo askari oo ka tirsan ciidanka kumaandooska Gorgor ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ciidankaan oo muddo tababar ku qaadanayay dalka Turkiga ayaa shalay dib ugu soo laabtay caasimadda.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo ka hadlay munaasabadda soo dhaweynta ayaa sheegay in ciidankan ay qeyb ka qaadan doonaan la dagaalanka cadowga.

Sii-hayaha wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) ayaa ciidanka ku dhiirigeliyay in ay aqoontooda uga faa’iideeyaan si dalka looga xureeyo maleeshiyada Al-shabaab, wuxuuna dowladda Turkiga uu uga mahadceliyay taageerada dhanka tababarka ah ee ay siiso ciidanka Qaranka.

Dowladda Soomaaliya oo taageero ka heleysa dhiggeeda Turkiga ayaa waddo dadaallo dib loogu soo celinayo awooddii ciidanka xoogga, si dalka looga cirib tiro maleeshiyada argagaxisada ah ee Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here