Diyaarad Ku Burburtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho

0
398

Diyaarad Ku Burburtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa daqiiqado kahor ku dhacday diyaarad nooca xamuulka qaado ah, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Garoonka.

Diyaarada ayaa la sheegay in markii hore ay dooneysay inay caga dhigato dhabbaha ay caga-dhigtaan diyaaradaha ee Garoonka Aadan Cadde, hayeeshee ay ku dhacday Afaafka hore ee Derbiga garoonka ku wareegsan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in diyaarada ay kasoo laabatay dhinaca Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo ay u waday agab kala duwan, ayna dhex ku qabsatay cilad, sidaasina ay dib ugu soo laabatay Caasimadda.

Laba qof oo shaqaale ah ayaa la socday diyaaarada, kuwaasi oo wararka qaarkood ay sheegayaan inay dhaawcyo soo gaareen, waxaana diyaarada ay ka burburtay qeyb kamid ah, sida lagu arkayay Sawirro laga soo qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here