Cilmi Baadhis Cusub Oo Daboolka Ka Qaaday In Sunta Shinidu Daawo Ka Tahay Kansarka Naasaha

0
444

Cilmi Baadhis Cusub Oo Daboolka Ka Qaaday In Sunta Shinidu Daawo Ka Tahay Kansarka Naasaha

Seynisyahano ku sugan dalka Australia ayaa sheegay inay ogaadeen in sunta shinnida ay dili karto kansarka ku dhaca naasaha kaddib markii ay baaritaan sameeyeen.

Waxay sheegeen in suntan ay dili karto labo nooc oo kamid ah kansarka ay adagtahay in la daweeyo.

Waxaana arrintan lagu tilmaamay mid “Farxad ah” balse seynisyahanadu waxay sheegeen in loo baahan yahay in la sameeyo baaritaano dheeraad ah oo lagu oganaayo arrintani.

Kansarka ku dhaca naasaha ayaa saameyn ku hayaa dumarka ku nool guud ahaan dunida.

Sunta shinnida ayaa horraan la ogaaday inay ka hor tagi karto kansarka.

Waxaana daraasaddan u dambeysay soo saartay macadka cilmi baarista dawoyinka ee Harry Perkins ee ku yaalla galbeedka Australia, waxaana lagu daabacay jornaalka Nature Precision Oncology.

Maxay cilmi baarayaashu ogaadeen?
Waxay baaritaan ku sameeyeen sun ay kasoo qaadeen ilaa 300 oo shinni ah.

Sunta shinnida waxaa la ogaaday “in waxtar weyn ay leedahay” ayay tiri Ciara Duffy oo 25 jir ah, ahna cilmi baare heysata shahaadada PHD oo hogaamineysa daraasadda.
Waxaana la ogaaday in suntan muddo saacad gudahood ah ay ku dili karto unugyada kansarka ah iyadoo ay yartahy saameynta ay ku reebi karto unugyada kale.

Cilmi baarayaashu waxay sidoo kale ogaadeen maaddada melittin ee ku jirta sunta shinnida malabka sameysa ay waxtar u leedahay “buburinta iyo ka hortagga faafidda kansarka
Ma la adeegsan karaa mustaqbalka?
Arbacadii, madaxa cilmi baarayaasha jaamacaddan ku taalla galbeedka Australia ayaa ku tilmaamay daraasadda mid “farxad ah”

“Muhimaddu waxay tahay, in daraasadda ay muujineyso sida maaddada melittin ee ku jirta sunta shinnida ay wax uga qabaneyso fiditaanka kansarka ama koritaankiisa” waxaa sidaas yiri Peter Klinken.

“Waxay daraasaddan ina tuseysaa tusaale cajiib ah oo ah in maaddooyinka dabiiciga ah loo adeegsan karo in lagu daweeyo cudurrada ku dhaca banii’aadanka”

Balse cilmi baraayasha waxay sheegeen in loo baahan yahay in la sameeyo baaritaan ama howl dheeri ah si loo ogaado in mustaqbalka sunta shinnida loo isticmaalo karo la dagaalanka cudurka kansarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here