Ciidamada Liyuu Booliska Somali State Oo Dad Shacab Ah Ku Laayay Magaalada Raaso

0
624

Ciidamada Liyuu Booliska Somali State Oo Dad Shacab Ah Ku Laayay Magaalada Raaso

Ciidamada New Police ee dowlad degaanka Soomaali Galbeed oo ay Itoobiya maamusho ayaa saakay dad shacab ah oo u badan arday Iskuul iyo kuwa dugsi Qur’aan ah ku dilay magaalada Raaso ee gobalka Afdheer.

Dadkaan ay ciidanka dileen ayaa saakay dhigayay Banaanbax ay uga soo horjeedaan heshiis ay beelo ku kala saxiixdeen magaalada Jig Jiga, kaas oo ay ku tilmaameen in uusan cadaalad aheyn mid kamid ah beelahana lagu qasbay.

Faah faahin rasmi ah lagama haayo tirada rasmiga ee rasaastaas ku geeriyootay, hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in ay kor u dhaafayaan 10 qof oo shacab ah.

Heshiiska Shalay lagu gaaray Jig jiga ayaa ahaa mid la doonayay in lagu soo afjaro colaad beelaad muddo dheer ka taagneed magaalada Raaso waxaase la sheegaya in dowladdu ay ku milantay tabashooyinka beelaha ay kala qabaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here