Wadooyinka waaweyn ee Muqdisho oo loo xirey imaanshaha Madaxda Puntland iyo Jubbaland

0
366

Wadooyinka waaweyn ee Muqdisho oo loo xirey imaanshaha Madaxda Puntland iyo Jubbaland

Waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran iyadoo la filayo in magaalada ay soo gaaraan Madaxda Maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Shacabka Muqdisho ayaa saaka ku soo toosay waddooyinka qaarkood oo xiran iyadoo dadka ay u lugeynayaan goobahooda ganacsi iyo xarumaha waxbarashadaba.

Guud ahaan ammaanka caasimada ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo hore ay magaalada u soo gaareen wafdi horudhac u ah mas’uuliyiinta Jubbaland iyo Puntland.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa magaalada Muqdisho u imanaya sidii ay ula kulmi lahaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayna uga wadahadli lahaayeen arrimaha doorashoyinka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here