Khilaaf horleh oo soo kala dhex gala qoyska reer Boqor ee Sacudi Carabiya

0
431

Khilaaf horleh oo soo kala dhex gala qoyska reer Boqor ee Sacudi Carabiya

Dhaxalsugaha boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa xilkii ka qaaday Amiir Fahad Bin Turki oo ahaa taliyihii ciidammada isbaheysiga ee Sucuudiga hogaaminayo ee howlgallada ka wado Yemen.

Waxaa sidoo kale shaqada laga eryay wiilka Amiir Fahad, Cabdulcaziiz oo ahaa ku-xigeenka barasaabka gobolka waqooyiga dhaca ee Al Jowf.

Labadan amiir ayaa waxa ay wajahayaan baaritaan ku aadan eedeymo ku saabsan wax isdaba marin heshiis maaliyadeed ah, sida ku xusan wareegtada kasoo baxday wasaaradda gaashaandhigga.

Dhaxal sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan wuxuu garwadeen ka ahaa olole ka dhan ah musuq maasuqa ka dhaca dowladda.

Si kastaba dadka dhaleeceeya siyaasaddiisa, waxay ku eedeynayaan in uu bartilmaameedsanayo dadka uu u arko inay caqabad ku yihiin awooddiisa.

Horraantii bishan ayay aheyd markii wargeyska Wall Street uu ku warramay in saddex sarkaal oo ka tirsan boqortooyada la xiray, waxaana kamid ahaa nin la dhashay boqor Salmaan oo la yiraahdo Amiir Axmed bin Cabdul Caziiz iyo dhaxal suge hore ,Maxamed Bin Nayef.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here