Taiwan Oo Xafiisyo Cusub Ka Furatay Magaalada Hargeysa

0
489

Dowlada Taiwan Oo Xafiisyo Cusub Ka Furatay Magaalada Hargeysa

Dalka Taiwan oo ah dal ku yaalla bariga qaaradda aasiya ayaa Maanta oo Isniin ah Xafiisyo dilomaasiyadeed ka furtay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Xukuumadda Somaliland.

Munaasabadda lagu daah-furayay Xafiisyada Taiwan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan Somaliland, xubno ka socday Taiwan iyo Marti sharaf kale oo lagu casuumay Munaasabadda.

Sidoo kale Munaasabadda ayaa inta ay socotay waxaa qadka dhinaca Internet uga qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan Joseph Wu, isagoona sheegay inay ku fasax yihiin xafiiska ay ka furteen Hargeysa.

Dawladda Taiwan ayaa horaantii bishii Luuliyo ee sanadkaan 2020 shaacisay inay Xafiisyo diblomaasiyadeed ka furanayso Magaalada Hargeysa, si ay u xoojiyaan xiriirka wanaagsan ee kala dhexeeya Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here