Diyaarad Ku Burburtay Garoon Diyaaradeed Oo Ku Yaalla Jubbada Hoose

0
343

Diyaarad Ku Burburtay Garoon Diyaaradeed Oo Ku Yaalla Jubbada Hoose

Wararka aan ka heleyno Garoonka diyaaradaha Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas ay burburtay diyaarad nooca Milateriga oo siday Sahay.

Diyaaradaas oo ay lahaayeen Ciidanka dowladda Kenya ayaa burburtay xili ay dooneysay inay Cagadhigato dhabbaha Garoonka diyaaradaha Dhoobley, hayeeshee ay burburtay, uuna ka kacay dab xoogan

Dad ku sugan Dhoobley ayaa soo sheegaya in diyaaradaas ay Sahay u siday Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee jooga Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, isla markaana ay kasoo duushay Saldhig ay leeyihiin Ciidankaas.

Weli lama oga sababta keentay burburka diyaaradda, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in shilka uu ku dhintay duuliyihiin diyaaradda, sidoo kalena uu ku dhaawacmay qof kale oo duuliyaha caawiye u ahaa.

Saraakiisha Ciidanka Kenya ayaa wada baaritaano kala duwan oo ku aadan waxa sababay burburka diyaaraddaas, iyagoona tilmaamay in baaritaano kadib ay faah faahin ka bixin doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here