Dowladda Oo War Kasoo Saartay Dib U Furista Duullimaadyada Caalamiga Ah Ee Dalka

0
387

Dowladda Oo War Kasoo Saartay Dib U Furista Duullimaadyada Caalamiga Ah Ee Dalka

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa War kasoo saartay dib u furista Duullimaadyada heerka Caalami ee dalka imaan jiray iyo kuwii ka bixi jiray, kadib markii kal horey loo xiray sababo la xiriirka Cudurka COVID-19.

Qoraalka kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa lagu sheegay in Maalinta berri oo Isniin ah kuna beegan 3 Bisha Agoosto dib loo billaabayo Duullimaadyada heerka Caalamiga ahaa ee dalka, ayna wax kasto si caadi ah u soo laaban doonaan.

Hay’adda Socdaalka ayaa sheegtay in dadka dalka soo galaya ay heystaan shahaado caddeyneysa in uusan qabin Cudurka halista ee COVID-19, uuna shahaadaas qofka qaatay ugu badnaan 72 saacadood kahor.

Ugu dambeyn Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa Wakiilada Safaaradddaha iyo gaadiidleyda fartay inay dadka soo aadaya dalka ku war-geliyaan siyaasadda Cusub ee ka hortega COVID-19, taas oo la xusay in qofka qasab uga dhigeysa shahaadaha Caafimaadka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ay soo saartay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here