Madaxweyneyaasha Galmudug Iyo Puntland Oo Gaaray Cadaado

0
370

Madaxweyneyaasha Galmudug Iyo Puntland Oo Gaaray Cadaado

Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa gaaray Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Safarka Madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ku wehlinayay Wasiiro ka tirsan ka tirsan labada maamul iyo xubno kale, waxaana kusoo dhaweeyay halkaas Mas’uuliyiin kamid ah Maamulka Magaalada iyo qeybaha kala duwan Bulshada.

Axmed Qoorqoor iyo Saciid Deni ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona inta ku sugan yihiin halkaas Maamulka Cadaado iyo Odayaasha dhaqanka, iyagoo kala hadli doona Arrimo ku aadan xaaladda deegaanka.

Sidoo kale laba Madaxweyne ayaa safarkooda Cadaado kadib u sii gudbi doona Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo ay kulamo kula qaadan doonaan dhinacyada kala duwan ee bulshada Gaalkacyo.

Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Puntland ayaa kasoo ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb oo ay kaga qeyb galeen shirarkii gaar gaarka ahaa ay yeesheen Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here