DEG DEG:-Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Kalsoonida Kala Noqday RW Kheyre

0
447

DEG DEG:-Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Kalsoonida Kala Noqday RW Kheyre

Waxaa Goordhow Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ka furmay mid kamid ah kulamadii ugu adkaa oo ay yeelanayaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa shir Guddoominaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenkiisa, isla markaana waxaa Xarunta Golaha goobjoog ah 178 Xildhibaan.

Ajendaha kulanka ayaa waxaa uu yahay ka doodista Doorashada la filayo inay ka dhacdo dalka Soomaaliya sanadka 2020/2021, isla markaana Guddiga Doorashada ay Baarlamaanka doodaas hordhigeen.

Dhinaca kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Goordhow kalsoonida kala noqday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here