Wabiga Shabeele Oo Fatahaado Ka Sameeyay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose + SAWIRO

0
607

Wabiga Shabeele Oo Fatahaado Ka Sameeyay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose + SAWIRO

Saacadihii la soo dhaafay ayaa Wabiga Shabeelle waxaa uu fataahad ka geystayXaafado ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo degaano hoostaga,waxaana uu sababay khasaaro kala duwan.

Wabiga ayaa waxaa uu ku fatahay xaafado ka tirsan degmada Afgooye iyo tuulooyin ku dhow dhow,waxaana sawiro laga soo qaaday degmada Afgooye la arkayay Xaafado kamid ah degmadaasi oo ay biyo dhex yaallaan,sida Xaafada Eytaro oo ku dhow Buundada degmada Afgooye, Xaafada Siigaale iyo Xaafado kale.

Tuulooyinka uu Wabiga ku fatahay ayaa waxaa kamid ah,Jambaluul, Basro, Baqdaad, Sagaaladaad gaalwuri iyo Sabiid iyo Caanoole,waxaana sidoo kale xirmay oo meel loo maro la la’yahay Masaajidka weyn ee Isbaheysiga ee degmada Afgooye iyo Isbitaalka degmadaas.

Fatahaada Wabiga uu ka sameeyay degmada Afgooye iyo tuulooyinka hoostaga ayaa waxaa uu sababay inay baaba’aan dalagyo dhowr ah oo ku tacbanaa beeraha sidoo kale inay barakacaan qaar kamid ah dadka ku nool degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in dadka ku nool degmada Afgooye ee uu saameeyay fataahada wabiga ay gurmad eg deg ah gaarsiin doonaan,sidoo kale ay qaadi doonaan tallaabo looga hortagayo fatahaado horleh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here