Meydka Gabar Yar Oo Muddo La La’aa Oo Laga Helay Galgaduud

0
373

Meydka Gabar Yar Oo Muddo La La’aa Oo Laga Helay Galgaduud

Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Galgaduug ayaa sheegaya in halkaas waaberigii hore ee saakay laga helay Meydka Gabar yar oo muddo 15 maalmood la baadi goobayay.

Ehelada Gabadha Meydkeeda la helay oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay u sheegeen in Meydka Gabadha laga helay deegaanka Cayn oo qiyaastii 15-KM u jira Magaalada Godin-labe ee Galgaduud.

Marxuumada ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Caaisha Maxamed Shanle, isla markaana waxaa Eheladeeda ay sheegeen in gabdhooda la gowracay ayna baadi goobayeen muddo 15 maalmood ah, hayeeshee saakay rag dhagax qodanayay ay arkeen iyada oo Meyd ah oo taalla deegaanka Cayn.

“Gacmaha iyo lugaha ayaa laga xiray, waana la bireeyay, rag dhagax qodanayay ayey wax u soo ureen markii ay u tageenna waxay arkeen maydka oo geed lagu dhex riday” ayey tiri mid kamid ah qoyska Caaaisha.

Sidoo kale Qoyska Gabadha ayaa waxaa sheegeen in falka lagu dilay Caaisha Maxamed ay ka dambeysay habaryarteed oo ay la noolayd loogana shakisan yahay falkaas, in kastoo weli uu socdo baaritaan.

Qoska ayaa intaa raaciyay in ay haweenayda laga shakisan yahay, gabadhan yar u wadday deegaanka lagu gowracay, dhowr mar oo horena ay ka sheegatay gabadhan yare e geeriyootay.

Caaisha Maxamed Shanle waxay ahayd 11 sano jir ku noolayd deegaan miyi ah oo Firxad la yiraado oo hoostaga Magaalada Gidin-labe ee Gobolka Galguduud, waxaana la waayay 22-kii bishii June.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here