DEG DEG:-Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
329

DEG DEG:-Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Jugta Qarax xoogan ayaa Goordhow laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo la sheegayo inuu ka dhacay agagaarka Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxaas uu ahaa mid loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa, waxaana uu ka dhacay xarunta Laanta ilaalada Canshuuraha oo ku taalla gudaha Dekadda Muqdisho.

Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa laga arkayay qiiq iyo uuro cirka isku shareertay, waxaana intaas kadib la maqlay rasaas badan oo ay fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.

Ilaa iyo hada lama Oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here