Maxaa Looga Hadlaya Kulanka Maanta Ee Xildhibaanada Golaha Shacabka?

0
359

Maxaa Looga Hadlaya Kulanka Maanta Ee Xildhibaanada Golaha Shacabka?

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti waxaa la filayaa in kulankoodii caadiga ahaa ee ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay ka doodista ku noqoshada Miisaaniyadda dowladda Federaaka ee sanadkaan 2020 oo ay soo ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa xalay waxaa lagu wargeliyay in uu jiro kulan, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb kulanka, si loo dardargeliyo howlaha shaqo ee Baarlamaanka horyaalla.

Xildhibaanada ayaa maalmihii lasoo dhaafay yeelanayay kulamo is-daba joog ah oo ay ku ansixiyeen sharciyo dhowr ah oo uu kamid yahay Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare looga siiyay 13-xubnood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here