Baarlamaanka Somaliya Oo Dib U Eegis Ku Sameynaya Heshiisyadii Lala Galay Turkiga

0
381

Baarlamaanka Somaliya Oo Dib U Eegis Ku Sameynaya Heshiisyadii Lala Galay Turkiga

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ay ku yeelanayaan kulankoodii Caadiga ahaa Xarunta Villa Hargeysa ,kaas oo looga hadlayo arrimo hdowr ah.

Ajandayaasha Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka ayaa waxaa ay kala yihiin Akhrinta 1aad ee Heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga ay wada galeen iyo Xeerka Astaynta Kuraasta Golaha Shacabka oo doodiisu bilaabaneyso.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in uu Maanta jiro kulanka Golaha Shacabka,isla markaana looga baahan yahay Xildhibaannada inay kasoo qeyb-galaan.

Xildhibaanada Golaha Shacbaka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay dood adag ka lahaayeen matalaada Gobolka Banaadir ee Aqalka, iyad aoo ugu dambeyn Gobolka Banaadir u ansixiyay 13 Xubnood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here