Nin Soomaali Ah Oo Xaaskiisa Ku Dilay Mid Kamid Ah Dalalka Yurub

0
365

Nin Soomaali Ah Oo Xaaskiisa Ku Dilay Mid Kamid Ah Dalalka Yurub

Magaalada Cloppenburg ee ka tirsan Gobolka Niedersachsen ee dalka Jarmalka ayaa waxaa lagu dilay Gabar Soomaali ah, waxaana dilkaas u geystay sida la sheegay Ninkii qabay oo isna Soomaali ah.

Marxuumada la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Leylo Saciid, iyadoona kamid aheyd Soomaalida kunool Magaalada Cloppenburg ee Jarmalka, waxaana kasoo baxay dilka loo geystay warar kala duwan.

Khilaaf aan xog dheeraad ah laga helin ayaa la sheegayaa inuu soo kala dhex-galay Marxuumad Leylo Saciid iyo Ninkeeda oo guursaday bil iyo bar kahor, isagoo ugu dambeyn dilay xaaskiisa.

Ciidamo ka tirsan Booliska Jarmadka ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, isla markaana waxaa ay gacanta ku dhigeen Ninka falka geystay, iyagoona durbo xabsiga u taxaabay, ayna ku socdaan baaritaano.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Marxuumad Leylo Saciid ay ifka kaga tegtay laba Caruur ah oo la tilmaamay inay u dhashay Nin kale oo ay horey u kala tageen, waxaana sanadkii hore qaxooti ahaan looga qaaday dalka Masar oo la geeyay Jarmalka.

Allaha u naxariistee Marxuumad Leylo Saciid ayaa Caruurtii ay ka geeriyootay waxaa la wareegay oo haatan gacanta ku haaya qeybta Caruurta qaabilsan ee Jugendamt-ga ee dalka Jarmalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here