Guddoomiyihii Aqlabiyada Barlamaanka Kenya Aadan Bare Oo Xilka Laga Qaaday

0
354

Guddoomiyihii Aqlabiyada Barlamaanka Kenya Aadan Bare Oo Xilka Laga Qaaday

Baarlamaanka dalka Kenya ayaa Goordhow xilka ka qaaday Aadan Bare Ducaale oo ahaa hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka dalkaasi, iyadoona durbo la doortay Hoggaamiye Cusub.

Xilka hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Keyna ayaa waxaa loo doortay inuu noqdo Amos Kimunya, isagoo bedelaya Aadan Bare, isla markaana waxaa Isbedel lagu sameeyay Isbaheysiga uu hoggaamiyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Kulanka xilka loo qaaday Hoggaamiye Aadan Barre ayaa waxaa shir Guddoomiyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata, kaasi oo ka qeyb galeen Xisbiga talada haya ee dalkaas.

Sidoo kale Xoghayaha Isbaheysiga talada dalka Kenya haya ee Jubillee ayaa waxaa loo magacaabay Adan Keynaan oo kasoo jeeda Gobolka Waqooyi Barri.

Hoggaamiyihii Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya ayaa waxaa uu ahaa siyaasi Soomaali ah oo lagu tilmaami jiray ninka saddexaad ee ugu awoodda badan Kenya, hayeeshee haatan xilka qaadis ayaa lagu sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here