DEG DEG : Shirkii U Dhexeeyay Somalia Iyo Somaliland Oo Lagu Kala Kacay+ Muuse Biixi Oo Cadho Kaga Baxay

0
620

DEG DEG : Shirkii U Dhexeeyay Somalia Iyo Somaliland Oo Lagu Kala Kacay+ Muuse Biixi Oo Cadho Kaga Baxay

Wararka aan ka heleyno Xarunta Madaxtooyada dalka Jabuuti ayaa waxaa ay sheegayaan in Shirkii halkaas uga socday Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaaliya lagu kala kacay wajigiisii hore.

Sababta keentay in Shirkaas lagu kala kaco wajigiisii horey ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii uu laba shuruudood uu shirka ku xiray Madaxweyne Muuse Biixi oo ahaa oo doonayay in lagu soo daro Ajendaha.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa waxaa uu sheegay in ajandaha kulanka lagu daro aqoonsiga Somaliland iyo in dawladda Soomaaliya ay ka garowdo xasuuqii ay u gaysatay dawladdii kacaanka u geystay shacabka Gobolada Waqooyi.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shir Guddoominaya Shirka, isla markaana waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo xubno kale oo ka socda Beesha Caalamka.

Weli si rasmi ah looma oga Ajendayaasha labada dhinac ay kulankooda uga hadli doonayaa, hayeeshee wada-hadalkaas ayaa waxaa uu qeyb ka noqonayaa kuwo u dhexmaray Somalia iyo Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here