RASMI : Somaliland Oo Caawa Shaacisay Inuu Fashil Kusoo Dhamaaday Shirkii Jabuuti

0
455

RASMI : Somaliland Oo Caawa Shaacisay Inuu Fashil Kusoo Dhamaaday Shirkii Jabuuti

Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Caawa shaaciyay inuu fashil kusoo dhamaaday shirkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland ee Maanta ka furmay Magaalada Jabuuti.

Guddoomiye Saleebaan oo wareysi siiyay mid kamid ah Telefashinada ku hadla Af-Soomaaliga ayaa waxaa uu sheegay in Shirka lagu kala kacay, kadib markii Somaliland ay Shirka ku xirtay shuruudo.

Saleebaan ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka ku xireen hal Shuruud oo aheyd in marka horey fuliso qodobadii hore loogu heshiiyay ee qeybta ka ahaa wada-hadalka labada dhinac, isagoo xusay in hadii arrintaas la fulin waayo aan hore loo sii wadi karin wada-hadalka.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha Guurtida ayaa waxaa uu tilmaamay in gabi ahaan shirkii Maanta u furmay Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ee uu Guddoominayay Madaxweynaha Jabuuti uu kusoo idlaaday natiijo laโ€™aan.

Sidoo kale waxaa uu xusay Guddoomiye Saleebaann in maalmaha soo socda hadii aysan waxba isbedelin Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi ee ku sugan Jabuuti ay dib ugu soo laaban doonaan Magaalada Hargeysa.

Dhinaca kale Madaxweyne Biixi ayaa inta uusan bilaaban Shirka Dowladda Soomaaliya u sheegay in Ajandaha kulanka lagu daro aqoonsiga Somaliland iyo in dawladda Soomaaliya ay ka garowdo xasuuqii ay u gaysatay dawladdii kacaanku shacabka Gobolada Waqooyi.

Magaalada Jabuuti ayaa waxaa Caawa ka socda daadalo xoogan oo ay wadaan xubno ka tirsan Beesha Caalamka, kuwaasi oo lagu doonayo in la isugu soo dhaweeyo Madaxda Soomaaliya iyo Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here