Qaar Ka Mid Ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho Oo Saaka Xidhan Iyo Banaabax Dhacay

0
389

Qaar Ka Mid Ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho Oo Saaka Xidhan Iyo Banaabax Dhacay

Magaalada Muqdisho qeybo kamid ah ayaa lagu wadaa in Maanta uu ka dhaco bannaanbax ballaaran oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir,kaas oo lagu taagerayo Dowladda Soomaaliya.

Banaanbaxaan ayaa warar la helayo waxaa ay sheegayaan in uu yahay mid lagu taageerayo hadalkii shalay ee Madaxweyne Farmaajo uu ka sheegay furitaanka kal-fadhiga 7aad ee Baarlamaanka,kaas oo ahaa in uu codsanayo in Gobolka Banaadir uu matalaad ku yeesho Xildhibaannada Aqalka Sare.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan banaanbaxayaasha ay isugu imaan doonaan Goobo gaar ah oo ay kamid yihiin Isgoyska km4 iyo sidoo kale Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada boondheere,isla markaana ay ka qeyb geli doonaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran,waxaana lagu arkayaa Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,kuwaas oo wadooyinka qaar u diidaya inay maraan Gaadiidka dadka Shacabka ah ay wataan.

Wadooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah, wadada Isgoyska Jubba ilaa degmada Xamarweyne, qeybo kamid ah wadada maka Almukarama,waxaana la arkayay dadweyne farabadan oo lugeynaya maadaama la diiday socodka Gaadiidka noocyadisa kala duwan.

Magaalada muqdisho ayaa horay waxaa uga dhacay banaanbaxyo kala duwan,kuwaas oo dowladda lagu taageerayay iyo kuwo looga soo horjeeday,hayeeshee aysan noqon kuwo wax soo kordhiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here