Puntland Oo Shaacisay Kiisas Cusub Oo Cudurka COVID-19 Ah

0
476

Puntland Oo Shaacisay Kiisas Cusub Oo Cudurka COVID-19 Ah

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo Bandhigtay natiijada kasoo baxday baaritaano kala duwan oo lagu sameeyay dad looga shakisnaa Cudurka halista ah ee Coronavirus, kuwaasi oo qaarkood laga helay Cudurka.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in 24-saac ee lasoo dhaafay Cudurka laga baaray 24 ruux, isla markaana Cudurka laga helay 11 qof kamid ah dadkaas, iyagoona la geeyay Xarun karantiil.

7 ruux oo kamid ah dadka laga helay Cudurka ayaa ku sugan deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal, halka 4-ta kalena ay ku sugan yihiin Gobolka Karkaar ee Puntland, waxaana rag ah 7, halka kuwo kalena ay yihiin Dumar.

Tirada guud ee dadka laga helay Cudurka COVID-19 ee Puntland ayaa gaartay 136 Ruux, waxaa halkaas Cudurka ugu geeriyooday 5 ruux, isla markaana waxaa ka bogsaday 3 qof.

Guddiga ka hortega faafida Cudurka COVID-19 ee Maamulka Puntland ayaa shacabka ugu baaqay inay qaataan tallooyinka Caafimaad oo ay jeedinayan dhaqaatiirta, sidoo kalena shacabka kula dardaarmay inay kala fogaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here