Kenya oo markale dooneysa in dib loo dhigo dhagaysiga dacwada badda

0
537

Kenya oo markale dooneysa in dib loo dhigo dhagaysiga dacwada badda

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowlada Kenya ay dooneyso in markale dib loo dhigo dhagaysiga kiiska dacwada badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, ayna u gudbisay codsi dib u dhigis ah Maxkamada caalamiga ee Cadaalada ICJ.

Kenya ayaa ku macneysay sababta ay ku dooneyso in dib loogu dhigo dhagaysiga dacwada inay la xiriirto saameynta cudurka Coronaviruska.

“Waxaa u suurtogeli weysay qareenada dowlada Kenya u doodaya inay ku kala xayirmeen deegaano kala duwan sidaa darteedna aysan suurtogal ahayn in bisha June ay dhamaystiraan dukumintigooda.”ayaa lagu yiri dukumintiga ay u gudbisay dowlada Kenya Maxkamada ICJ.

Hase yeeshee wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dowlada Soomaaliya ay ka soo horjeesatay in markale dib loogu dhigo dhagaysiga dacwada badda,ayna maxkamada ka codsatay in si muuqaal ah dhagaysiga dacwada loo qaado.

Illaa iyo hadda ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxay Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ, balse waxa ay hore maxkamadu dib u dhigtey labo jeer dhagaysiga dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here