Maxbuus Soomaali Ku Xiran Dal Oo Laga Helay Cudurka Coronavirus

0
370

Maxbuus Soomaali Ku Xiran Dal Oo Laga Helay Cudurka Coronavirus

Saraakiisha Hay’adda Socdaalka iyo Xoojinta Canshuuraha ( ICE) ee dalka Mareykanka ayaa shaacisay in Muwaadin Soomaali ah oo Maxbuus iyo dad kale oo Ajaanib ah laga helay Cudurka Coronavirus.

Dadkaas Maxaabiista ee laga helay Cudurka kuna sugan Mareykanka ayaa waxaa lagu hayaa Xarun dadka lagu haayo oo ku taalla Magaalada Batavia ee ka tirsan Magaalada New York, iyadoona baaritaano lagu sameeyay laga helay Cudurka.

Maxaabiistaas ayaa kala ah Muwaadin Soomaali oo 29-jir ah, Muwaadin Pakistani oo 62-jir ah iyo 2 Muwaadin oo u dhashay dalka Honduras, kuwaasi oo da’dooda kala tahay 31-jir iyo 37-jir, waxaana sidaas sheegtay Hay’adda Socdaalka iyo Xoojinta Canshuuraha Mareykanka.

Sidoo kale waxaa la tilmaamay in Maxaabiista lagu karantiilay Goob gooni ah, isla markaana waxaa laga fogeeyay Maxaabiista kale ee la xirneyd, iyagoo u xiran Maxaabiista Cudurka Arrimo la xiriira dhanka Socdaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here