Qaad fara badan oo si sharci darro ku soo galay Boosaaso oo la gubay

0
518

Maamulka Gobolka Bari iyo Taliska Qeybta Booliska ayaa xalay goob fagaare ah ku gubay Qaad fara badan oo si sharci darro ah loo soo geliyay gudaha Boosaaso.

Howlgallo kala duwan oo Ciidanka Booliska ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso ayay ku soo qabteen Qaadka oo si qarsoodi ah loogu dhex iibinayay gudaha magaalada.

Taliyaha Booliska Gobolka Bari ayaa sheegay in dowladda ay mamnuucay keenista qaadka iyo cunista , sidaas darteed ay u howlgaleen dhaqan gelinta amarkaas, si looga hortago faafida cudurka Coronavirus.

Qaadka ayaa la sheegay in si qarsoodi ah gaadiid lagu soo geliyay, isagoo la soo marsiiyay deegaano kala duwan oo gudaha Puntland illaa deegaanada ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Maamulka Puntland ayaa horay u soo saaray awaamiir ku aadan ka hortagga cudurka Coronavirus, iyadoo la mamnuucay goobaha ay dadka isugu yimaadaan, qaadka soo galayay deegaanada Puntland, waxaana la filayaa in dhowaan uu dhaqan galo bandow lagu soo rogay xilliyada habeen deegaanada Puntland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here