Qof Kii Ugu Horeeyay Ee Somali Ah Ee Dalka Turkiga Ugu Geeriyooday Coronavirus

0
472

Qof Kii Ugu Horeeyay Ee Somali Ah Ee Dalka Turkiga Ugu Geeriyooday Coronavirus

Wararka ka imanaya dalka Turkiga ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi xalay uu cudurka Coronavirus ugu geeriyoodey qofkii ugu horeeyey ee Soomaali ah,kaas oo Maalmahaan cudurka la xanuun sanayey.

Muwaaddinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jirey Macalin Maxamed Carfaaye ayaa maalmahaan waxaa lagu daweynayey Isbitaalka Ankara Şehir,waxaana la sheegay in xauunkiisa uu aad u darnaa ugu dambeyn uu u geeriyoodey.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in weli ay jiraan Soomaali kale oo Cudurka coronavirus la xanuunsan ee jiifa Isbitaalo ku yaalla dalka Turkiga walow aysan badneyn,waxaana xusid mudan in Turkiga ay ku sugan yihiin Soomaali farabadan.

Tirada dadka u geeriyooday xanuunka COVID-19 ee dalka Turkiga ayaa gaartay 108 ruux, halka tirada uu soo ritayna ay kor u dhaaftay 7,402.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here