Qatar Iyo Sacuudiga Oo Hakiyey Wadahadallo U Socday Iyo Sababta Keentay

0
397

Qatar Iyo Sacuudiga Oo Hakiyey Wadahadallo U Socday Iyo Sababta Keentay

Wasiirka Arrimaha Debedda ee Qatar ayaa sheegay in wadahaddaladii u dhexeeyey Doha iyo Riyadh si loo dhameeyo khilaafka dublumaasiyadeed ee ka dhex aloosan uu haatan hakad galay, iyadoo dublumaasiyiinta iyo khubarada siyaasadda ka faallooda ay sheegayaan in wadahadalladaasi la isku mari waayay.

Boqortooyada Sucuudiga oo ay wehliyaan xulufadeeda Imaaraatka Carabta, Bahrain iyo Masar ayaa bishii June ee sanadkii 2017-kii jaray dhamaan xiriirradii dublumaasiyadeed, gacansi iyo socdaal ee ay la lahaayeen dalka Qatar.

Afartan dowladood ayaa ku eedeeyey Doha iney taageerto waxa ay ugu yeereen kooxo mayal adag sida ururka Ikhwaanul Muslimiin iyo iney raadineyso iney cilaaqaad dhow la sameysato dalka ay Sacuudiga xafiiltimaan ee Iran. Qatar ayaa beenisay dhamaan eedahaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here