Al-Shabaab oo sheegtay qaraxii Ex-Control Afgoye

0
534

Al-Shabaab oo sheegtay qaraxii Ex-Control Afgoye

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay qaraxii qasaaraha badan uu ka dhashay ee dhowaan ka dhacay isgoyska Ex Control Afgooye.

Sida ay baahiyeen warbaahinta taageerta Al-Shabaab Afhayeenka guud ee Xarakada Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage hadal uu jeediyay ayuu ku sheegay inay qaraxaasi la beegsadeen dad u dhashay dalka Turkiga iyo ilaaladooda.

Hase yeeshee war maanta ka soo baxay hay’ada nabadsugida ayaa lagu sheegay in weerarka qaraxa ay ka dambeysay dowlad shisheeye ah oo aan la magacaabin.

Warka ka soo baxay Hay’ada Nabad Sugidda ayaa waxaa aad u dhaleeceeyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka waxana ay sheegeen in ay arrintan tahay mid lagu daboolayo qasaarihii ka dhashay qaraxii ka dhacay isgoyska Ex control Afgoye.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa ka tacsiyeeyey dadkii rayidka ahaa ee waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii Ex Control Afgoye.

“Mujaahidiintu waxa ay weerar ka fuliyeen Ex control waxayna la beegsadeen kolonyo turki ah iyo maleeshiyaad ilaalo u ahaa, weerarkaasna waxa uu qasaare u geystey turkiyiintii iyo ilaaladoodii.”ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

“Dhanka kale muslimiin aan waxba galabsan ayaa qasaare ka soo gaaray waana ka tacsiyeyneynaa dhammaan dadkii muslimiinta ahaa ee ku dhintey kuwo ku dhaawacmay iyo kuwii ku hanti weysayba.”ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo aan muddo dheer ka soo muuqan saxaafada.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa ku tilmaamay dowlada Turkiga gumeysi ku soo duulay dalka Soomaaliya,waxana uu ku eedeeyay inay qeyraadka dalka qaadanayaan wadooyinka ay dhisayaana ay tahay kuwo aan dhab ka ahayn in ay dadka Soomaaliyeed wax u qabtaan.

Qaraxan ayaa ahaa kii saddexaad ee ugu qasaaraha badnaa ee ka dhaca dalka Soomaaliya waxaana ku dhintey inku dhow boqol ruux oo badankood ay ahaayeen dad rayid ah.

Hase yeeshee qaraxii ka dhacay isgoyska Zobbe oo ahaa qaraxii ugu waxyeelada badnaa ayaanay jirin illaa iyo hadda cid sheegatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here