Muranka dhanka Badda ee u dhaxeeya Turkiga iyo Greeca oo qarka u saaran in uu gaaro Maxkamada Cadaalada

0
537

Muranka dhanka Badda ee u dhaxeeya Turkiga iyo Greeca oo qarka u saaran in uu gaaro Maxkamada Cadaalada

Ra’isul wasaaraha Greeca ayaa sheegay hadii xukuumadaha Ankara iyo Athens ay ku fashilmaan xalinta muranka dhanka badda ah ee u dhaxeeya loo waceen doono in lagu kala baxo Maxkamada cadaalada Aduunka ee loo yaqaan (ICJ).

Labada wadan oo dhanka badda xad wadaag ka ah ayaa sanadihii la soo dhaafay isku heestay sheegashada jasiirado ku yaal xeebaha Mediterranean-ka.

Muranka labada wadan ayaa sii xoogeystay kadib markii bishii hore Turkiga uu heshiis la galay kaasi oo ku aadan aaga badda Shore oo dhacda xeebaha Mediterranean hodanna ku ah dhanka Kaluumeysiga.

Aaga laga heshiiyay ayaa dhanka koonfureed waxaa uu kaga beegan yahay xeebaha Turkiga halka dhanka waqooyiga bari uu ka xigo dhanka Liibiya.

Xukuumada Tripoli oo aan xiligaan laheyn awood balaaran oo ay ku ilaashan karto marin badeedkeeda ayaa uga gol leh heshiiskaan si looga taageero ilaalinta Badda iyo ka hortagga maraakiibta Shisheeye.

Talaabadan ayaa waxaa ka horyimid dalalka Greeca iyo Cyprus oo horay muran dhanka badda ah kala dhaxeeyay Turkiga waxaana ay ku eedeeyeen in xukuumada Ankara ay ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee Badaha.

Ra’isul wasaaraha Greeca Mr Kyriakos Mitsotakis oo wareysi siinayay wargeyska todobaadlaha ah ee Vima ayaa sheegay in muranka ka taagan bariga badda Mediterranean-ka oo u dhaxeeya labada wadan lagu kala saari karo oo kaliya xeerarka caalamiga ee Diblumaasiyada.

Horaantii bishaan ayay aheyd markii dowlada Cyprus ay dacwad ka dhan ah Turkiga u gudbisay maxkamada cadaalada ee ICJ iyadoo ku andacooneysa in turkiga laga difaaco xadgudubka uu ku hayo badda shore oo ay Sheeganeyso.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu sheegay in dhag uu u raaricin doonin tabashada waxba kama jiraan ka ah ee ka soo yeereysa wadamada Dariska.

Liibiya ayaa tan iyo markii ay cagaha la gashay dagaalada sokeeye sanadkii 2011-kii ka cabaneysay xadgudubyada kaga imaanaya Greeca iyo Cyprus taasi oo keentay in heshiis lagu ilaalinayo badeeda in ay la gasho Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here