Ahlusuna oo ka soo horjeesatay shuruudaha Guddiga Doorashooyinka Galmudug

0
483

Ahlusuna oo ka soo horjeesatay shuruudaha Guddiga Doorashooyinka Galmudug

Ahlusuna Wal-jameeca ayaa ka hor-timid shuruudaha ka mid noqoshada Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka Galmudug.

Guddiga ayaa soo saaray illaa 10 qodob oo ah shuruudo ka hor-gudban dhammaan xubnaha ka mid noqonaya Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee la soo xulo, shuruudaha ayaa ka mid ah in laga qaado imtixaan aas-aasi ah, si loo xaqiijiyo heerkiisa aqoonta ama waayo aragnimadiisa

Hase ahaatee qoraal ka soo baxay Madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir ayaa lagu sheegay in shuruudaha uu soo saaray Guddiga aysan wax shaqo ah ku laheyn 20-ka Xildhibaan ee la siiyay Ahlusuna, isla markaana shuruudaha ay sheegeen uusan quseyn qoondada la siiyay , maadaama Guddigaas aysan markii hore aqoonsaneyn.

Ahlusuna ayaa caddeeysay in Heshiiska ay la gashay dowladda Federaalka ayna garwaseenka ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha iyo Beesha caalamka uu sidiisa uga fulay dhanka Ahlusuna, ayna ka rajeynayaan dowladda Federaalka inay iyadana ixtiraamto heshiiskii ay wada gaareen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here