Dibad-Baxyo Xoogan Oo Ka Socda Magaalada Jigjiga

0
500

Dibad-Baxyo Xoogan Oo Ka Socda Magaalada Jigjiga

Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaas uu ka socdo Dibad-baxyo xoogan oo looga soo horjeedo Masjidyo lagu gubay Magaalo ku taalla dalka Itoobiya.

Kumanaan Qof ayaa isugu baxay Bartamaha Magaalaa Jigjiga, kuwaasi oo ka Careysan ficilada lagu gubay Masaajida ku yaalla Itoobiya, iyagoona socod kusoo maray Wadooyinka waaweyn ee Jigjiga.

Sidoo kale Culimada Masaajida ee Ismaamulka Soomaalida ayaa dadka dhiga Dibad-baxyada uga dhigaya inay sameeyaan falal abuuri kara Rabshado halkaas ka dhaca.

Ammaanka guud ee Magaalada Jigjiga xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, waxaana inta badan Wadooyinka laga dhigay Ciidamo gaar ah.

Ugu yaraan saddex masjid ayaa dhawaan waxaa lagu weerraray Gobolka Amxaarada ee Dalka Itoobiya, waxaana Bilihii la soo dhaafay dalkaasi ka dhacay qulqulatooyin diin lala xiriiriyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here