Bangiga Dhexe Ee Somalia Oo Amray In La Xiro Xisaabaadka Shirkadaha Forex

0
496

Bangiga Dhexe Ee Somalia Oo Amray In La Xiro Xisaabaadka Shirkadaha Forex

Maamulka Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa soo saaray Amar Akoonada looga xirayo Shirkadaha Forex Trading ee shaqeeya gudaha dalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga dhexe ee Soomaaliya Maryam Cabdullaahi Yuusuf ayaa waxaa Bankiyada Ganacsi ee gaarka loo leeyahay lagu amray inay xiraan dhammaan Xisaabaadka Ganacsatada Iibisa lacagaha qalaad ee Suuqyada Caalamka ee Forex Trading.

Sidoo kale Qoraalka Maamulka Bangiga dhexe ayaa waxaa Bankiyada Ganacsi ee gaarka loo leeyahay lagu faray inay fuliyaan amarka kasoo baxay Bangiga dhexe ee dalka.

Ugu dambeyntii Bankiyada Ganacsi ayaa waxaa lagu amray inay soo diraan warbixin sheegeysa dhammaan xisaabaadka u furan Ganacsatada Iibisa Lacagaha qalaad ee Suuqyada Caalamka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here