Khasaaro Ka Dhashay Iskudhacyo Lubnaan Ka Dhacay+SABABTA

0
456

Khasaaro Ka Dhashay Iskudhacyo Lubnaan Ka Dhacay+SABABTA

Iskudhacyo u dhaxeeya booliska la dagaalama rabshada iyo dibadbaxayaal ka soo horjeeda dowladda oo ka dhacay caasimadda waddanka Lubnaan ee Bayruut ayaa waxaa ku dhaawacmay tobaannaan qof, goobjoogayaal ayaa sidaasi sheegay.

Qulqulatada ayaa bilaabatay xilli dibadbaxayaasha ay soo weerrareen rag afka soo duubtay oo dibadbaxooda ka soo horjeeda markii ay isku dayeen inay tagaan fagaare u dhaw baarlamaanka.

Booliska ayaa riday sunta dadka kaga ilmaysiisa iyo rasaasta cinjirka ah, halka dibadbaxayaashuna ay dhagxaan tuurayeen. Ugu yaraan 20 askari ayaa sidoo kale dhaawacantay.

Dibadbaxyo salka ku haya maamul xumida dhaqaalaha ee kooxda hoggaanka haysa ayaa waxa ay soo bilowdeen bishii Oktoobar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here