Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baladweyne Oo Saakay Xirmay+SABABTA

0
482

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baladweyne Oo Saakay Xirmay+SABABTA

Garoonka diyaaradaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa inuu xirmay, kadib markii saacadihii la soo dhaafay halkaas uu ka da’ay roob xoogan.

Wariyaha Warbaahinta Dalsan ee Baladweyne ayaa soo sheegaya in Gebi ahaan uu xirmay Garoonka diyaaradaha, isla markaana gudaha Garoonka ay buux dhaafiyeen biyihii ka hooray roobka ayna jirin wax duulimaad ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Webiga Shabeella uu fatahaad ku sameeyay Xaafado ka tirsan Baladweyne, waxaana barakac ka bilowday Xaafadihii uu ku fatahay Webiga Shabeelle.

Sidoo kale dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in qaar kamid ah Guryahooda ay dhex fadhiga biyo badan, kuwaasi oo ka hooray roobabkii saacadihii la soo dhaafay halkaas ka da’ay.

Si kastaba Garoonka diyaaradaha Baladweyne ayaa dhowr jeer xirmay, iyadoona ay xusid mudan tahay in kal hore uu sameeyay farahaadii ka dhacday halkaas iyo roobab hore ee ka da’ay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here