Boqorka Sacuudiga oo Amiirka Qatar ku casuumay shir todobaadka soo socda ka dhacaya Riyadh

0
432
(COMBO) This combination of pictures created on December 03, 2019 shows a handout picture provided by the Saudi Royal Palace of Saudi Arabia's King Salman bin Abdulaziz (L) arriving to address the Shura council on on November 20, 2019 and Qatar's Emir Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani (R) attending the opening session of the 30th Arab League summit in the Tunisian capital Tunis on March 31, 2019. - Saudi King Salman has invited Qatar's emir to a meeting next week of the Gulf regional bloc in Riyadh, Qatari state media said on December 3, 2019 , without specifying if Doha had accepted. The invitation to the December 10 summit of the six-nation Gulf Cooperation (GCC) comes amid signs of reduced animosity between Qatar and Saudi Arabia, which has led an economic boycott of Doha since 2017. (Photos by Bandar AL-JALOUD and FETHI BELAID / various sources / AFP) / RESTRICTED TO EDITORIAL USE - MANDATORY CREDIT "AFP PHOTO / SAUDI ROYAL PALACE / BANDAR AL-JALOUD" - NO MARKETING - NO ADVERTISING CAMPAIGNS - DISTRIBUTED AS A SERVICE TO CLIENTS

Boqorka Sacuudiga oo Amiirka Qatar ku casuumay shir todobaadka soo socda ka dhacaya Riyadh

Boqorka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa ku martiqaaday Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thani Shir todobaadka soo socda ka dhacaya magaalada Riyadh, xilli xiisad diblomaasiyadeed oo labo sano jirsatay ay u dhaxeyso dalalka Khaliijka.

Shirka 40aad ee Golaha Iskaashiga Khaliijka oo ka kooban lix dal ayaa todobaadka soo socda ka dhacaya magaalada Riyadh, kuna beegan 10-ka bisha December.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa xaqiijisay martiqaadka soo gaaray Amiirka, waxaana qoraal boggeeda Internetka lagu soo daabacay ku sheegtay in Amiirka Sheekh Tamim Bin Hamad Al-Thani ay soo gaartay dhambaal farriin ah oo uga timid Boqorka Sacuudiga inuu ka soo qeyb galo fadhiga 40aad ee Golaha Iskaashiga Khaliijka.

Bishii June ee sanadkii 2017 Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn oo ka mid ah dalalka Khaliijka iyo dalka Masar ayaa xiriirka u jaray dalka Qatar, iyagoo ku eedeeyay inay taageerto Argagixisada, waxaana ay ka xirteen xuduuda ay la wadaageen, ee Badda Barriga iyo Cirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here