Doorashada gudoomiyaha Baarlamanka Puntland oo Saaka ka bilaabatay Garoowe iyo cidda loo saadaalinayo

0
443

Doorashada gudoomiyaha Baarlamanka Puntland oo Saaka ka bilaabatay Garoowe iyo cidda loo saadaalinayo

Muqdisho (Dalmar-News) – Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa ka bilaabaneysa xarunta Golaha wakiilada Puntland, kadib markii xilkaasi si degdeg toddobaadkii hore looga qaaday guddoomiyihii hore C/xakiin Dhoobo-Daareed.

Waxaa doorashada u taagan saddex musharax oo kala ah: Xildhibaan Abwaan C/rashiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar) iyo Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed, waxayna saddex musharax kasoo jeedaan beesha guddoomiyihii hore oo awood qeybsi u leh xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in doorashada ay tahay mid aan xiiso badan lahayn oo abaabulkeedu hooseeyo, iyadoo loo saadaalinayo inuu kusoo bixi doono Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo la sheegay inuu shaqsiyan heysto fursadda ugu wanaagsan ee xilkaasi uga soo bixi karo.

Saddexdan Musharax ayaa maalmihii la soo dhaafay olole ka wadeen Garowe, waxaana ay xod-xodasho iyo xusul duub badan ka dhex wadeen Xildhibaanada Baarlamaanka, si ay codkooda u helaan.

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa si gaar ah isha loogu hayaa, waxaana la saadaalinayaa inuu soo bixi karo Musharax ay taageersan tahay Madaxtooyada Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here