Wararkii ugu dambeeyay Xaalada Garowe iyo dagaalkii xalay ka dhacay Xarunta Baarlamaanka

0
511

Wararkii ugu dambeeyay Xaalada Garowe iyo dagaalkii xalay ka dhacay Xarunta Baarlamaanka

Xaalada magaalada Garowe ayaa saaka ah mid degan, kaddib dagaal culus oo xalay ka dhacay xarunta Baarlamaanka Garowe, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay Ciidamo taabacsan Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ilaalo ka hayay Xarunta Baarlamaanka iyo Ciidamo la sheegay inay ka socdeen dhanka Madaxtooyada Garowe.

Illaa saddex ruux oo uu ku jiro Agaasime kuxigeenkii Laanta Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ee Puntland, halka ay ku dhaawacmeen dad kale, waxaana dagaalkii xalay uu ahaa mid aad u xoogganaa oo la isu adeegsaday hub culus.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Jen. Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa ku eedeeyay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ciidamo maleeshiyaad ah oo ka amar qaata uu keenay xarunta, kana dalbadeen in xarunta ka baxaan, isagoo xusay in markii ay u tageen ciidankaas ay rasaas bilaabeen.

Taliyaha ayaa sheegay in ugu dambeyn Ciidamadii xaruntaas ku sugnaa oo taabacsanaa Guddoomiyaha Baarlamaanka in laga saaray xarunta, laguna wareejiyay Ciidamo Booliska ah sida uu hadalka u dhigay

Dagaalka xalay ka dhacay Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magaalada Garoowe ayaa ku soo aadayaa, iyadoo maalmihii la soo dhaafay uu ka jiray magaalada Guux ku saabsan in Xildhibaannada qaarkood ay mooshin ka wadaan Guddoomiyaha Baarlamaanka C/Xakiin Dhoobo-daareed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here