Dowlada Maraykanka oo 28 sano ka dib safaarad ka furatay Magaalada Muqdisho

0
401

Dowlada Maraykanka oo 28 sano ka dib safaarad ka furatay Magaalada Muqdisho

Dowlada Maraykanka ayaa si rasmi ah u shaacisay goor dhow in safaaradii ay ku lahayd Muqdisho dib loogu aasaasay.

Safaaradda Maraykanka ayaa la xiray 5-tii bishii Janaayo ee 1991-kii, markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, hase yeeshee dowlada Mareykanka ayaa bishii December ee sanadkii hore dib u aas-aastay howl-galkiisa diblomaasiyeed ee Soomaaliya.

Bayaan maanta ka soo baxay safaarada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dib loo aasaasay safaarada Maraykanka ee Muqdisho iyadoo uu goobjoog ka ahaa safiirka Maraykanka ee dalka Soomaaliya Donald Yamamoto.

“Dowlada Maraykanka iyo Soomaaliya waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan, waxayna arrintan dib u xaqiijineysaa xiriirka ka dhaxeeya shacabka labada dal.”

Qoraalka howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa intaas ku daray “Tani waa tallaabo kale oo loo qaaday sii wadidda xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanka uu la leeyahay Muqdisho tan iyo markii sanaddkii 2013 la aqoonsaday dowladda Federalka Soomaaliya.”

Bayaankan ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu sii wadi doono inuu saaxib xooggan la ahaado Soomaaliya, si looga caawiyo dhismaha dal xasiloon oo dimoqraadi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here