Karisma Kapoor iyo Sunny Deol oo loo maxkamadeynayo fal ay sameeyeen iyagoo filim jilaya

0
1031

Karisma Kapoor iyo Sunny Deol oo loo maxkamadeynayo fal ay sameeyeen iyagoo filim jilaya

Maxkamad qaadda kiisaska la xiriira gaadiidka tareennada ayaa diyaarisay dacwad ka dhan ah Atooraha shirkadda Bollywood-ka ee siyaasiga isku baddalay, Sunny Deol iyo atariishada caanka ah ee lagu magacaabo Karisma Kapoor, sida ay shaaciyeen Wargeyska Hindustan Times, telefishinka NDTV, iyo warbaahinta kale ee dalka Hindiya.

Labada jilaa ee sida weyn looga yaqaanno Hindiya iyo guud ahaan dunidaba ayaa loo maxkamadeyn doonaa eedeyn ku saabsan in iyagoo filim jilaya ay bixiyeen mid ka mid ah biraha silsiladda ah ee uu tareenka ku socdo, muddo ka badan 20 sano ka hor.

Falka lagu eedeynayo inay sameeyeen ayaa halis galin karay habsami u socodka tareenka, oo ay dad badan ku safraan, hase yeeshee wuxuu sababay in mid ka mid ah tareennada la hakiyo muddo 25 daqiiqo ah.

Dacwad oogeyaaha ayaa sheegay in Atooraha iyo Atariishadu ay si sharci darro ah u sameeyeen ficilkaas, mar laga duubayay filim ay sameeyeen sanadkii 1997-kii.

Sunny Deol iyo Karisma Kapoor ayaa isku dayay inay sameeyaan loollan kiiskaas lagu hakinayo maalintii Arbacada, sida uu sheegay AK Jain, oo hoggaaminaya qareennada u doodaya labada jilaa.

.Lahaanshaha sawirkaNDTV
Image captionSunny Deol iyo Karisma Kapoor

Qareennada ayaa sheegay in dacwaddan markii ugu horreysay la sameeyay sanadkii 2009-kii, markaasoo labada jilaa ay loollan ku galiyeen kulan maxkamadda ay sameysay bishii Abriil ee sanadkii 2010-kii.

Hase yeeshee maxkamadda ayaa mar kale kiiskan diyaarisay 17-kii bishan Sitembar, 2019-ka, sida uu sheegay Mr Jain.

Marka laga soo tago Sunny Deol iyo Karisma Kapoor, waxaa eedeyntaas sidoo kale loo jeediyay , stuntman Tinu Verma iyo Satish Shah, balse ma aysan isku dayin inay kiiska hakiyaan sanadkii 2010-kii.

Maxkamadda ayaa xilliga xiga ee kiiskan la dhageysanayo ka dhigtay 24-ka bishan Sitembar.

Sanadkii 1997-kii, marka ay arrintan dhaceysay, Sunny Deol, Karisma Kapoor iyo shaqaalaha kale ee Bollywood-ka ayaa ku howlanaa jilista filimka lagu magacaabo ”Bajrang”, waxayna ku sugnaayeen tuulada Sanvarda oo ka tirsan degmada Ajmer ee gobolka Rajasthan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here