Xuutiyiinta oo sheegtay mas,uuliyada weerar xoogan oo lagu qaaday xarunta shirkada shidaalka Sacuudiga

0
529

Xuutiyiinta oo sheegtay mas,uuliyada weerar xoogan oo lagu qaaday xarunta shirkada shidaalka Sacuudiga

Diyaaradaha dagaalka ee Drone ka loo yaqaan ayaa duqeyn xoogan ka geestay laba xarumood oo ay leedahay shirkada shidaalka Sacuudiga ee Aramco.

Wakaalada wararka ee dowlada oo soo xiganeysa afhayeenka wasaarada arimaha gudaha Sacuudiga ayaa lagu xaqiijiyay,  sabtida maanta in uu dab qabsaday dhismaha xarunta shidaalka ugu weyn ee Abqeyq iyo Khureys.

Weerarkan oo dhacay abaara 4:00 aroornimo ayaa shaqaalaha iyo ciidanka amniga ee ilaalada ka ah xarumahaan ay ku guuleesteen in dabka ay Baqtiijiyaan.

Wasaarada arimaha gudaha Sacuudiga ayaa dhanka kale ka gaabsatay in ay ka hadasho cidda ka danbeysay mas,uuliyada weerarkan oo ay sheegtay in baaritaanada ay Socdaan.

Balse war saxaafadeed ka soo baxay dagaalyahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa lagu xaqiijiyay, in weerarkan ay ka danbeeyeen 10 ka mid ah diyaaradohooda Dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here