Haweeney aflagaado u geysatay madaxweynaha Turkiga oo xabsi lagu Xukumay

0
514

Haweeney aflagaado u geysatay madaxweynaha Turkiga oo xabsi lagu Xukumay

Maxkamada dalka Turkiga ayaa mudo sagaal sano iyo sideed bil ah ku xukuntay haweeney ka tirsan isbaheysiga mucaaradka Turkiga.

Canan Kaftancioglu, oo xubin ka ah xisbiga Republican People  Party oo loo yaqaab (CHP) ayaa lagu eedeeyay in ay aflagaadeysay madaxweynaha Turkiga Rajab Thayib Erdogan.

Haweeneydan ayaa dhanka kale lagu helay in barta ay ku leedahay Twitter-ka ay ku aflagaadeysay shaqaalaha rayidka ah ee dowlada.

Garsoorka maxkamada ayaa xaqiijiyay in fal danbiyeedkan ay geysatay intii u dhaxeysay sanadkii 2012-kii ilaa 2017-dii.

Ms oo dhankeeda la hadashay markii ay soo dhamaatay maxkamadeynteeda taageerayaal taabacsan ayaa sheegtay in aysan wax danbi ah laheyn balse xukunkeeda uu ka yimid madaxtooyada Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here